HRUGTA WARBIXINTA Rugta warbixinta iyo talo siinta ajaanibka Ururka jinsiyadaha kala duduwan ee Hakunila wuxuu bilaabay wax qabadkiisa iyo u adeega dadka ajnabiga ah iyo Finishka degan Hakunila iyo hareeraheeda, ee u baahan macluumaad ku saabsan dhaqanka iyo degganka cusub iyo qaadka loo asaaso ururada. Rugta warbixinta iyo talosiinta ayaa kuu diyaar ah haddii aad u baahantahay in macluumad iyo su\'aalo ku saabsan ama la xidhiidha arrimaha soo socda sida: Sharciyad, wax barashadda, koorsooyinka, shaqadda, sooshaalka, iyo waxyaabaha kale ee la xiiseeyo sida ciyaaraha iyo waxyaabo kala duduwan. Sidoo kale waad nala soo xidhiidh karta haddii ay jiraan dhibaatooyin ihi. Xafiiskayaga waxaad ka heli karta warbixin haddii aad doonayso in aad urur asaastid ama aad xaflad sameysid.
KHADAMAADKA Khadamaadku waa lacag la\'aan. Waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa tilifoonka maalimaha isniinta,salaasada,iyo khamiista saacaddu markay tahay 10-16 tilifoonka 2722775Waxa kale oo aad nagala soo xidhiidh karta Internetka: hakunilan(a)kolumbus.fi Bogga ururka ee internetka waxaad ka geli kartaa: www.hakunila.org Waxaad na soo booqan kartaa ballan la\'aan salaasaoyinka iyo khamiisaha saacaddu markay tahay 10-14 Ciwaanka:
Kannuskuja 2A, 3krs. (hakunila) 01200 VANTAA LUQADAHA Finishka,ingiriiska, arabiga, turkkiga (mararka qaarkoodna ruushka, somaliga, vietnamiiska , kurdiga, farsiga iyo albaniga
WARBIXIN IYO WAX QABAD AF SOMAALI AH Maalinta Salaasadda saacaddu markay tahay 15.00 ila 16.00 Maalinta Arbacadda saacaddu markay tahay 15.00 ila 16.00 ( 16.00 ila 17.OO tilifoonka ayaa nagala soo xidhiidhi kartaan. Waxaa lagu talojira in la la sameeyo ama la furo xafiiska fiidkii si ay ugu faa\'iidaysataan marba inta isku af ku hadasha.
Soo dhawaada Burhan Xamdon ja Amran Moxamed Axmed
|